Posts

Faallo

Waa maxay MIDGAAN (Boon)

Image
Saddex u dhig dhig ka mid ah ummadda Soomaaliyeed waxay ku jiraan gumaysi iyo cadaadis ay ku hayaan inta kale, gumaysigaas oo hadda war beelay waa mid qaraami ah oo xataa haddi la isku dayo in la baddelo ay adag tahay oo aan laga guurin karin kuwa la qabadsiiyey cadaadiska intaanba la gaarin kuwii cadaadiska ku hayey , taas oo ka timid waaritaanka ay caadadani waartay o o caadowday

Waraysiga Agaasimihii hore ee NISA (Fahad Yaasiin), waxaa ku jira arrimo waawayn oo u baahan in lagu sameeyo gor-fayn miiggan iyo lafa-guris gun-dheer.

Image
Malahayga, arrinta ugu wayn ee afkiisa laga sugayay waa kiiska gabadhii maqnayd ee Ikraan Tahliil iyo waxa uu ka sheego. Arrintii waa uu ka hadlay, waliba si saraaxad leh oo isku kalsoonaani ka muuqato ayuu uga hadlay. Waxa uu bixiyay xog uu qiyaasteeda ku sheegay 10% wadarta guud ee xogta uu ka hayo kiiska gabadha.  Nuxurka xogta uu bixiyay waxa lagu soo koobi karaa: 1. In ayna Ikraan xil iyo shaqo rasmiya midna u hayn hay'adda NISA muddadii uu joogay (Fahad) xilka Agaasimaha iyo ku xigeenka ee NISA (2018 - 2021). (FG: Qodobkani maaha mid fudud! waxaana sugnaantiisa ku xidhan arrimo badan oo muhiim u ah kiiskan). 2. In ayna Ikraan noolayn oo la dilay. 3. In ayna hay'adda NISA shaqo ku lahayn dilkeeda. 4. In ay saddex kooxood ku shirkoobeen mashruucaa Ikraan Tahliil: b) Madax sare oo dawladeed; t) dalal shisheeye; iyo j) kooxda Al-shabaab.  5. In aan yoolku ahayn dilka Ikraan; laakiin uu ahaa furista albaab wayn oo mu'aamaradeed oo lid ku ahaa hay'adda NISA iyo

Waa Kuma Wadaadka aan Dhicin?

Magiciisu waa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxa uu kujiraa da' todobaatanaad. Taasi waxay ka dhigaysaa in uu yahay mid kamida saddexda nin ee ugu da'da wayn madaxda Soomaaliyeed ee geeska Africa (waxa ay isku fac' yihiin Geella-ha Jabuuti iyo Biixi-ga Somaliland).  Magiciisa waxaa si fiican loo bartay kaddib soobixitaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006) oo uu kasoo galay dhinaca guutadii Raaskaanbooni ee uu odayga ka ahaa Sh. Xasan Cabdalle Xirsi (Xasan Turki) - AHN - oo ay xigto iyo xidid hoose ahaayeen.  Isla xilligaa (2006) waxa uu kamid noqday xubnihii Muqdisho ku aas'aasay ururka Al-shabaab, waxa uuna noqday guddoomiye ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ururka isaga oo ku yimid saamiga guutada Raaskaambooni, halka ay jagada guddoomiyaha na qaateen guutadii Salaaxudiin Al-ayuubi ee Axmed Godane (AHN) iyo Aadan Cayrow (AHN). Waxaa kale oo uu soo noqday (2006) gudoomiyihii Jubbada Hoose ee Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.  Kaddib duulla

Weerarada Argagaxiso cambaarayn Wax ka Badan Ayay u Baahan Yihiin

Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay weerarradii ka dhacay Beleweyne iyo Xamar. Allaha caafiyo inta dhaawaca ah. Dadkii ay hantidu ka burburtayna Ilaahay ha siiyo baddal kale.  Waxaa lagu dilay dad ku dhow 100 qof saddexdii weerar ee ka dhacay Beledweyne oo kaliya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Madaxda Hirshabeelle waxay sheegeen in qaraxyadii ugu dambeeyey ee Beledweyne ka dhaca lagu dilay 48 qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato, waxgarad iyo shacab. Waxaa lagu dhaawacay 108 qof.  Aamina Maxamed iyo Dhuxul ayaa ka mid ah siyaasiyiinta lagu dilay, waxaana ku dhaawacmay Wasiir hore Cabdiraxmaan Daahir iyo siyaasiyiin kale. Qarixii kaa ka horreeyey ee lagu weeraray Baar Xasan Dhiif waxaa lagu sheegay tirada lagu dilay 36 qof.  Dad badan oo kale waa lagu dhaawacay. Waxaa jira dad kale oo lagu dilay weerarro kala duwan intii xulitaanka baarlamaanku socday. Waxaa weerarro noocan oo kale ay ka dhaceen goobo kale oo ay ka mid yihiin Xamar, Boosaaso iyo Baraawe.  Waxaa jooga ciid

Weli Ma Ka Maqashay Warbaahinta Reer Galbeedka Xasuuq Ayaa Tigreey Ka Geystay Koonfurta Soomaaliya?

Image
W arbaahinta gumeystaha Ingiriisku ee BBC laanteeda Afsoomaaliga ayaa qortay in ciidamada Soomaaliya xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya; iyadoo aan ognahay in idaacadaasi iyo guud ahaan warbaahinta reer Galbeedku aysan weligeed xasuuq ugu yeerin wixii Tigreegu ka sameeyey koonfurta Soomaaliya. Qaarba dhihi doonna ciidankii Tigreegu wuxuu Soomaaliya ku yimid dalab dowladdeed, haddii jawaabtu sidaas tahay ciidanka Soomaaliyeedna wuxuu halkaa ku tegey dalabka dowladda Itoobiya. Waxay yiraahdeen kaniisadaha ayaa ciidanka Soomaalidu dadka ku gowracayay... Kuwii tigreeguba masaajida ayuu dadka ku gowracayay. Haddaad tiraahdan askarta Soomaalidu gabdhahii Tigreega ayay kufsadeen, kuwii Tigreeguba gabdho Soomaaliyeed ayay kufsi iyo xadgudub ku sameeyeen ee maxaa kala fadilay xadgudubyada?. Dabcan jawaabtu wax kale maaha waa dan reer galbeed oo diin aysan ka maqnayn. Inkastoo warkani yahay dacaayad Ingiriis iyo reer Galbeed; haddana waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda

Waa Maxay Afgembi?

Image
  Afgembi= Maalmahan ereygan ayaan maqlayna sidii madaxwaynaha jamhuuriyaddu u nasakhay  ra'iisul wasaare Rooble..  Farmaajo iyo Rooble haddii aan dhahno kuma ayaa ku dhaqaaqay afgembi, waxaan dhihi karnaa Rooble ayaa ku dhaqaaqay afgembiga runta ah, isagoo garab ka helaaya dalal shisheeye. • Ciidanla Rooble waxay harreereyey madaxtooyadii qaranka. • Rooble qabsaday warbaahintii qaranka; farriintada in la baahiyo waa muhiim markii aad afgembi samaynayso, hadaba, Roo ble wuxuu qabsaday warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkiisa u adeegsadaan • Rooble wuxuu la wareegay wasaaraddii gaashaandhigga, amniga qaranka, warfaafinta.  • Rooble wuxuu dadka Soomaalida hortooda ka sheegay inuusan aqoonsanayn madaxwaynahii magacaabay... arrinta oo ka dhigan anniga madaxwayne ah wixii xilliga ka dambeeya. • Rooble wuxuu Muqdisho soo geliyay ciidamo ku hayb ah, isagoo sheegay in amniga Muqdisho ay la wareegayaan ciidan isku dhaf u ku sheegay oo ka amarqaata midowga mooryaanta iyo

Soomaali Iyo Qabiil

Image
Dhaqanka layaabka leh ee ay Soomaalida leedahay waxaa ka mid ah in qabiilka uusan qabsan, umadda ka celin ama meel banaan ah ka istaagin masuul reerkooda ka dhashey oo ku kaca xadgudub, musuqmaasuq, ku-takrifal awoodeed, handadaad iyo xabbisid sharci darro ah. Qabiilka waxay iskugu jiraan: 1) Qolo ku taageerta masuulka gabood-fallada si bilaa gabbasho ah, 2) Qolo si hoose u taageera oo aan banaanka is keenin, 3) Qolo ka xun gefefka laakiin aan ka digin kana hor-istaagin qaladaadka, 4) Iyo qolo aamusan laakiin lasoo kaca difaacid markii masuulka qaldan la iska qabanaayo lagana qabanaayo shacabka dulman. Tan ugu layaabka badan ayaa ah markii laga adkaado ama meesha laga wareejiyo masuulka xun, qabiilkiisa intoodi badan waxay lasoo shirtagaan, “Qof ayaa dulmi sameeyey, qabiil shaqo kuma lahan”. Walaalkaa garab istaag hadduu saxsan yahay, hadduu umadda dhib ku haayo ka qabo. Intaas wixii kasoo hara waxaa tahay munaafaq ama waxaa ku qanacsan tahay falalka guracan iyo maamul xumada uu walaal

Taariikhdu Ma Duugowdo

Image
Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya.  Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii June 1975, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu'aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm.   Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay do