Waa Kuma Wadaadka aan Dhicin?

Magiciisu waa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxa uu kujiraa da' todobaatanaad. Taasi waxay ka dhigaysaa in uu yahay mid kamida saddexda nin ee ugu da'da wayn madaxda Soomaaliyeed ee geeska Africa (waxa ay isku fac' yihiin Geella-ha Jabuuti iyo Biixi-ga Somaliland). 


Magiciisa waxaa si fiican loo bartay kaddib soobixitaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006) oo uu kasoo galay dhinaca guutadii Raaskaanbooni ee uu odayga ka ahaa Sh. Xasan Cabdalle Xirsi (Xasan Turki) - AHN - oo ay xigto iyo xidid hoose ahaayeen. 


Isla xilligaa (2006) waxa uu kamid noqday xubnihii Muqdisho ku aas'aasay ururka Al-shabaab, waxa uuna noqday guddoomiye ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ururka isaga oo ku yimid saamiga guutada Raaskaambooni, halka ay jagada guddoomiyaha na qaateen guutadii Salaaxudiin Al-ayuubi ee Axmed Godane (AHN) iyo Aadan Cayrow (AHN).


Waxaa kale oo uu soo noqday (2006) gudoomiyihii Jubbada Hoose ee Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. 


Kaddib duullaankii Ciidamada Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya, waxaa isaga oo dhaawaca qabtay Sirdoonka Maraykanka iyo Itoobiya, waxaana muddo lagu hayay isla markaana lagu dhaawicinayay guri ku yaalla magaalada Addis Ababa oo la haayeen sirdoonka Itoobiya (TPLF). Waxaa loo badiyaa in uu halkan ka billowday xidhiidhka wanaagsan ee uu la yeeshay sirdoonkii Itoobiya (TPLF), Kenya kan Markaykan. Walow ay jiraan tuhumo kale oo sheegaya in uu xidhiidhkiisu ka horreeyey qabashadiisa; haddana wax caddayna looma hayo, ogaalkay. 


Waxa uu xabsigii kasoo baxay (2009) ama lasoo daayay kaddib heshiis dhex-maray Isbahaysigii Dibu-xoraynta Soomaaliya (ARS) iyo dawladdii TFG.  


Waxa uu markaa noqday xubin ka tirsan Baarlamaankii cusbaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2009) isaga oo kasoo galay dhinaca saamigii ARS. 


Isla sannadkaa (2009) waxa uu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka, waxa uuna iskaga baxsaday dawladdii Sh. Shariif isaga oo dib ugu laabtay Raaskaambooni iyo Xisbul-Islaam (kooxihii Sh. Xasan turki iyo sh, Xasan Daahir Aways), waxa uuna markii dambe noqday (2010) taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose. 


Kaddib dagaallo isaga iyo Al-Shabaab dhex maray oo ku saabsanaa gacan-kuhaynta Kismaanyo waxa uu noqday Jabhad fadhigiisu yahay xuduud-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya oo kutiirsan kaalmada sirdoonada Kenya iyo Itoobiya, taas oo ugu dambayn u suurtagalisay in uu mar kale Kismaanyo dib u qabsado dhammaadkii 2012, isaga oo ay galbinayaan guutooyin ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo markaa oggolaansho-la'aan kusoo galay soomaaliya. Duullaanka ciidanka Kenya, waxaa ka hor-yimid Madaxwaynihii dawladda TFG, Sh. Shariif; hayeeshee dheg looma jalaq-siin.


Isla dhammaadkii sanadkaa (2012) ilaa August 2013, waxa uu Kismaayo ka ahaa hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Jubbaland. 


August 2013, waxa uu qabtay doorasho muran dhalisay oo uu ku noqday Madaxwaynaha rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Kenya iyo Itoobiya way aqoonsadeen doorashadiisa si deg-dega; laakiin waxaa kasoo hor-jeedsaday dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo uu markaa joogay Xasan Sh. Maxamuud, waxaana Kismaayo lagaga dhawaaqay dhawr Madaxwayne oo kale oo ay kamid ahaayeen: Barre Hiiraale iyo Iftiin Baasto. 


Si khilaafkaa loo dhammeeyo waxaa isla sanadkaa (2013) Addis Ababa lagu heshiisiiyay Axmed Madoobe iyo Dawladdii Xasan Sheekh + raggii kale ee Kismaayo ka sheegtay Madaxwaynayaasha. Axmed Madoobe, waxaa markan lagu qan-ciyay in uu qaato laba sano (2) sano oo maamul kumeel-gaadha (2013 - 2015), kana tanaasulo afarta sano. Doorka dhex-dhexaadinta waxaa lagu qabtay magaca urur gobaleedka IGAD; laakiin waxaa sal iyo baar ka shaqaysay saraakiishii TPLF oo dhinacyada oo dhan xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay, si gaara Axmed Madoobe.


August 2015, waxa uu mar kale qabtay doorasho kale oo muran badan dhalisay laakiin la odhan karo waatii ugu roonayd xaggiisa, waxa uuna qaatay muddo xileed cusub oo afar sano ah (2015 - 2019). 


Mar saddexaad, August 2019, waxa uu qabtay doorasho kale oo la-jaada kuwii hore, waxa uuna mar saddexaad noqday Mw. Jubbaland oo muddo xileedkiisu yahay afar sano (August 2019 – August 2023). 


Sida tii 2013'kii, waxaa Kismaanyo lagaga dhawaaqay Madaxwaynayaal kale sida: Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig. Mar kale (si lamida 2013), dawladda dhexe ee soomaaliya ee Farmaajo hoggaankeeda joogay ma aqoonsan doorashadiisa; laakiin waxaa si deg-dega u aqoonsatay dawladda Kenya oo caleema-saarkiisii u soo dirtay wafti heer sare ah oo uu hor ka cayay hoggaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. (Itoobiya xilligan isbeddel ayaa ka jiray, kooxdii TPLF ee Axmed ku tiirsanaana talada waa laga tuuray oo hiil kamuusan helin)..


khilaaf muddo u dhexeeyay isaga iyo dawladda dhexe, waxaa goor dambe (sidii 2013 dawladdii Xasan sheekh) loo oggolaaday in uu qaato laba (2) sano oo kumeel-gaadha isla markaana qayb ka noqdo hanaanka doorashada dad'ban ee dalka (2020/2021) isla markaana dibu-heshiisiin loo sameeyo Jubbaland'ta qaybsan. Siyaasiyiintii sheegtay madaxwaynayaasha Jubbaland (Seeraar iyo xidig) iyana waxaa arrinkooda dhammeeyay dawladda Kenya oo uu hay'adaheeda amniga xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyay. 


Intii lagu guda jiray jiitanka doorashada iyo hubant-la'aanta siyaasadeed ee dalka waxaa uu qaatay go'aammo baalmarsan ama burinaya xeerarka iyo heshiisyada dalka. Waxa kamida: 


1) in uu heshiis hoosaad la galay shirkadda boobka dekadaha soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka ee DP-WORLD, taas oo dekadda Kismaanyo la wareegi-doonta isla markaana samayn-doonta ciidan lamida kan Imaaraadka u jooga dekadda Boosaaso - si uu ciidankaasi u ilaaliyo masaalixda iyo mashaariicda UAE. (Ciidanka haddaaba la qoraa oo la diyaarinayaa). 


2) in uu dhoofiyay dhuxuushii ugu bad'nayd oo muddo dheer Kismaanyo taallay, taas oo uu gacan qarsoon ku lahaa R/Wasaare Rooble. (Dhuxusha Soomaaliya waxa uu golaha ammaanku kasoo saaray qaraar lagu mamnuucay dhoofinteeda).

  

3) in uu noqday siyaasiga kaliya ee buriyay heshiiskii/xeerkii doorshada dad'ban ee soomaalidu ku heshiisay isla markaana xildhibaanadii gobalka Gedo kusoo xulay xero ay leeyihiin ciidanka Kenya oo ku taalla duleedka magaalada Ceel-waaq.


Hadda, waxa uu macasalaameeyay nidaamkii saddexaad ee DFS ee ay is qabtaan (aan idhaahdee loo adeegsaday, — waa markii aan ka reebno nidaamkii Cabdullaahi Yuusuf oo uu la dagaalamay isaga oo ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga). Waxa uuna isu diyaarinayaa dagaalka Madaxwaynaha afraad ama shanaad ee JFS (waa Xasan Sheekh oo ay ciyaari dhexda u taallay 2016). 


Hadda ba, Su'aasha qiimaheedu halka milyan joogaa waxa weeye: Waa maxay sirta ka dambaysa in Axmed Madoobe 10 sano iska fadhiyo Kismaanyo islamarkaana la dagaalamo dawlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata?! 


Jawaabtu waa sahal! Waxaa Kismaanyo ku haya oo u adeegaa xoog ama xoogag shisheeye oo ka awood badan dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka reer Jubbaland labadaba. 

(daanyeer dhici waayay laanbuu haystaa).


------------

Sawirku waa Axmed Madoobe, Tedros Adhanom wasiirkii Arrimaha dibadda Itoobiya (haddana Agaasimaha WHO) iyo Faarax cabdulqaadir oo ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments

Popular posts from this blog

Waa Maxay Afgembi?

Ijaabo Yusuf Dhegool xaaska horjooge Siciid Deni oo la wareegtay dhulkii wasaaradda hawlaha guud ee Boosaaso

Warsangeli/Dubeys iyo Raxanweyn argagaxisada Puntland?!.