Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?

Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan. Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaada