Posts

Showing posts with the label Guurka

RAG MAXAA LAGU RAACAA?

Ragga iyo dumarku way ku kala duwan yihiin marka laga eego sifooyinka la’isku doorto xilliga guurka. Rasuulkeennu ( Sallallaahu calayhi wasallam ) waa kii yiri : (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda), taasi oo ina tusaysa in maalka iyo quruxdu ay 50% ka yihiin sababaha dumarka loo guursado, ha yeeshee kolkay arrintu joogto ninka isagu doonaya inuu guursado, qiimeyntiisu taa ka duwan.