Posts

Showing posts with the label Somalia

Waraysiga Agaasimihii hore ee NISA (Fahad Yaasiin), waxaa ku jira arrimo waawayn oo u baahan in lagu sameeyo gor-fayn miiggan iyo lafa-guris gun-dheer.

Image
Malahayga, arrinta ugu wayn ee afkiisa laga sugayay waa kiiska gabadhii maqnayd ee Ikraan Tahliil iyo waxa uu ka sheego. Arrintii waa uu ka hadlay, waliba si saraaxad leh oo isku kalsoonaani ka muuqato ayuu uga hadlay. Waxa uu bixiyay xog uu qiyaasteeda ku sheegay 10% wadarta guud ee xogta uu ka hayo kiiska gabadha.  Nuxurka xogta uu bixiyay waxa lagu soo koobi karaa: 1. In ayna Ikraan xil iyo shaqo rasmiya midna u hayn hay'adda NISA muddadii uu joogay (Fahad) xilka Agaasimaha iyo ku xigeenka ee NISA (2018 - 2021). (FG: Qodobkani maaha mid fudud! waxaana sugnaantiisa ku xidhan arrimo badan oo muhiim u ah kiiskan). 2. In ayna Ikraan noolayn oo la dilay. 3. In ayna hay'adda NISA shaqo ku lahayn dilkeeda. 4. In ay saddex kooxood ku shirkoobeen mashruucaa Ikraan Tahliil: b) Madax sare oo dawladeed; t) dalal shisheeye; iyo j) kooxda Al-shabaab.  5. In aan yoolku ahayn dilka Ikraan; laakiin uu ahaa furista albaab wayn oo mu'aamaradeed oo lid ku ahaa hay'adda NISA iyo

Waa Kuma Wadaadka aan Dhicin?

Magiciisu waa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxa uu kujiraa da' todobaatanaad. Taasi waxay ka dhigaysaa in uu yahay mid kamida saddexda nin ee ugu da'da wayn madaxda Soomaaliyeed ee geeska Africa (waxa ay isku fac' yihiin Geella-ha Jabuuti iyo Biixi-ga Somaliland).  Magiciisa waxaa si fiican loo bartay kaddib soobixitaankii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa (2006) oo uu kasoo galay dhinaca guutadii Raaskaanbooni ee uu odayga ka ahaa Sh. Xasan Cabdalle Xirsi (Xasan Turki) - AHN - oo ay xigto iyo xidid hoose ahaayeen.  Isla xilligaa (2006) waxa uu kamid noqday xubnihii Muqdisho ku aas'aasay ururka Al-shabaab, waxa uuna noqday guddoomiye ku-xigeenkii ugu horreeyey ee ururka isaga oo ku yimid saamiga guutada Raaskaambooni, halka ay jagada guddoomiyaha na qaateen guutadii Salaaxudiin Al-ayuubi ee Axmed Godane (AHN) iyo Aadan Cayrow (AHN). Waxaa kale oo uu soo noqday (2006) gudoomiyihii Jubbada Hoose ee Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.  Kaddib duulla

Weerarada Argagaxiso cambaarayn Wax ka Badan Ayay u Baahan Yihiin

Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay weerarradii ka dhacay Beleweyne iyo Xamar. Allaha caafiyo inta dhaawaca ah. Dadkii ay hantidu ka burburtayna Ilaahay ha siiyo baddal kale.  Waxaa lagu dilay dad ku dhow 100 qof saddexdii weerar ee ka dhacay Beledweyne oo kaliya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Madaxda Hirshabeelle waxay sheegeen in qaraxyadii ugu dambeeyey ee Beledweyne ka dhaca lagu dilay 48 qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato, waxgarad iyo shacab. Waxaa lagu dhaawacay 108 qof.  Aamina Maxamed iyo Dhuxul ayaa ka mid ah siyaasiyiinta lagu dilay, waxaana ku dhaawacmay Wasiir hore Cabdiraxmaan Daahir iyo siyaasiyiin kale. Qarixii kaa ka horreeyey ee lagu weeraray Baar Xasan Dhiif waxaa lagu sheegay tirada lagu dilay 36 qof.  Dad badan oo kale waa lagu dhaawacay. Waxaa jira dad kale oo lagu dilay weerarro kala duwan intii xulitaanka baarlamaanku socday. Waxaa weerarro noocan oo kale ay ka dhaceen goobo kale oo ay ka mid yihiin Xamar, Boosaaso iyo Baraawe.  Waxaa jooga ciid

Weli Ma Ka Maqashay Warbaahinta Reer Galbeedka Xasuuq Ayaa Tigreey Ka Geystay Koonfurta Soomaaliya?

Image
W arbaahinta gumeystaha Ingiriisku ee BBC laanteeda Afsoomaaliga ayaa qortay in ciidamada Soomaaliya xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya; iyadoo aan ognahay in idaacadaasi iyo guud ahaan warbaahinta reer Galbeedku aysan weligeed xasuuq ugu yeerin wixii Tigreegu ka sameeyey koonfurta Soomaaliya. Qaarba dhihi doonna ciidankii Tigreegu wuxuu Soomaaliya ku yimid dalab dowladdeed, haddii jawaabtu sidaas tahay ciidanka Soomaaliyeedna wuxuu halkaa ku tegey dalabka dowladda Itoobiya. Waxay yiraahdeen kaniisadaha ayaa ciidanka Soomaalidu dadka ku gowracayay... Kuwii tigreeguba masaajida ayuu dadka ku gowracayay. Haddaad tiraahdan askarta Soomaalidu gabdhahii Tigreega ayay kufsadeen, kuwii Tigreeguba gabdho Soomaaliyeed ayay kufsi iyo xadgudub ku sameeyeen ee maxaa kala fadilay xadgudubyada?. Dabcan jawaabtu wax kale maaha waa dan reer galbeed oo diin aysan ka maqnayn. Inkastoo warkani yahay dacaayad Ingiriis iyo reer Galbeed; haddana waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha dibadda

Waa Maxay Afgembi?

Image
  Afgembi= Maalmahan ereygan ayaan maqlayna sidii madaxwaynaha jamhuuriyaddu u nasakhay  ra'iisul wasaare Rooble..  Farmaajo iyo Rooble haddii aan dhahno kuma ayaa ku dhaqaaqay afgembi, waxaan dhihi karnaa Rooble ayaa ku dhaqaaqay afgembiga runta ah, isagoo garab ka helaaya dalal shisheeye. • Ciidanla Rooble waxay harreereyey madaxtooyadii qaranka. • Rooble qabsaday warbaahintii qaranka; farriintada in la baahiyo waa muhiim markii aad afgembi samaynayso, hadaba, Roo ble wuxuu qabsaday warbaahinta qaranka iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay afkiisa u adeegsadaan • Rooble wuxuu la wareegay wasaaraddii gaashaandhigga, amniga qaranka, warfaafinta.  • Rooble wuxuu dadka Soomaalida hortooda ka sheegay inuusan aqoonsanayn madaxwaynahii magacaabay... arrinta oo ka dhigan anniga madaxwayne ah wixii xilliga ka dambeeya. • Rooble wuxuu Muqdisho soo geliyay ciidamo ku hayb ah, isagoo sheegay in amniga Muqdisho ay la wareegayaan ciidan isku dhaf u ku sheegay oo ka amarqaata midowga mooryaanta iyo

Soomaali Iyo Qabiil

Image
Dhaqanka layaabka leh ee ay Soomaalida leedahay waxaa ka mid ah in qabiilka uusan qabsan, umadda ka celin ama meel banaan ah ka istaagin masuul reerkooda ka dhashey oo ku kaca xadgudub, musuqmaasuq, ku-takrifal awoodeed, handadaad iyo xabbisid sharci darro ah. Qabiilka waxay iskugu jiraan: 1) Qolo ku taageerta masuulka gabood-fallada si bilaa gabbasho ah, 2) Qolo si hoose u taageera oo aan banaanka is keenin, 3) Qolo ka xun gefefka laakiin aan ka digin kana hor-istaagin qaladaadka, 4) Iyo qolo aamusan laakiin lasoo kaca difaacid markii masuulka qaldan la iska qabanaayo lagana qabanaayo shacabka dulman. Tan ugu layaabka badan ayaa ah markii laga adkaado ama meesha laga wareejiyo masuulka xun, qabiilkiisa intoodi badan waxay lasoo shirtagaan, “Qof ayaa dulmi sameeyey, qabiil shaqo kuma lahan”. Walaalkaa garab istaag hadduu saxsan yahay, hadduu umadda dhib ku haayo ka qabo. Intaas wixii kasoo hara waxaa tahay munaafaq ama waxaa ku qanacsan tahay falalka guracan iyo maamul xumada uu walaal

Taariikhdu Ma Duugowdo

Image
Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya.  Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii June 1975, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu'aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm.   Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay do

Argagaxisadii isu beddeshay fallaagada

Image
Kooxda Taalibaan oo warbaahinta iyo dalalka caalamka sida Maraykanka iyo reer galbeedku u aqoonsanayeen koox argagaxiso ayaa hadda isu beddeshay koox fallaago, iyadoo la sugaayo in lagu wareejiyo awoodda Afqaanistaan.  Taalibaan miyaa is beddelay?. Maya, weli dhaqankoodu waa sidii hore ama ka adag, waxay dilayaan, qarxinayaan muwaadiniinta, aqoonyahanka, waxay ka soo horjeedan in gabdhuhu dugsi dhigtaan, xorriyada hadalkuna waa dhibaysa.  Wixii loo weeraray shalay iyagu kama tanaasulin, balse kuwii weerarka ku qaaday ayaa tanaasulay sida muuqata. Ciidankii Afqaanistaan ee 20-sanno la tababaraayay, qalabka iyo hubka casriga ah loo dhiibay, waxay isu dhiibeen nimman duur ku jiray 20 sanno. Maxaan ka baran karnaa haddaba Taalibaan?. Ma mowqifka iyo mayal adayga, mise in ciidanka Soomaaliyeed dalkiisa ka difaaci karin Alshabaab haddii dhammaadka sannadkan Amisom isaga baxdo dalka?. Ma arki doonna argagaxisada Alshabaab oo loogu wacaayo jabhad fallaago, xukunkana loogu wareejin sida kooxda

Amisom Oo Bombo Ku Xirtay Dad Soomaaliyeed

Waa ficil cadowtinimo oo ka baxsan binu aadantinimada waxaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka Amisom ayaa dad Soomaaliyeed oo beeraleey ah bombo ku xira;  kadibna qarxiyay iyagoo uga aargoosan Alshabaab oo jidka u gashay.  Toddoba beeraleey Soomaaliyeed ayaa ciidanka Amisom bom ku xireen kadibna sidii argagaxisada Alshabaab u qarxiyeen. Waan cambaarayn falkaasi wuxuushnimada ah, waana inaan meel uga soo wada jeensana ficillada foosha xun. Amisom waxaa loo keenay badbaadinta dadka Soomaalida ee looma keenin xasuuqa, ka aarsiga iyo gubitaanka dadkeenna. Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiya tallaabo sharci ah inay ka qaado kuwa jarriimada geystay, muwaadiniinta Soomaaliduna ay helaan caddaalad. <iframe width="400" height="500" frameborder="0" src="https://www.bbc.com/somali/av-embeds/war-58163501"></iframe>

Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?

Image
Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan. Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaada

Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.

Image
Maaha wax la dafiri karo waxqabadkii maamulkii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, laga soo billaabo dhismaha dalka, qoritaanka afka soomaaliga iyo weliba inaan ahayn dal dadkiisu uusan meel kasta ku dayacnayn. Dalku wuxuu lahaa dowlad baasaboorkeeda la aqoonsan yahay, waxbarasho illaa heer jaamacaddeed oo lacag la'aana, cusbitaalo bilaash ah, ciidan ilaaliya xuduuddaheena badda, cirka iyo dhulka oo aan ahayn mooryaan umulo dooxa. Muwaadinka Soomaaligu wuxuu ahaa mid sharaf leh, dunidana qaxooti kuma ahayn meel kasta; hooyo iyo ilmo Soomaaliyeed kuma dhibaataysneyn qurbe, baddaha dhallinyaro Soomaaliyeed iyagoo gaajo ka cararaya uguma geeriyooneyn. Sidoo kale Kenyaati damac ugama jirin badda Soomaaliya taas beddelkeeda NFD ayaa Soomaali raadinaysay inay xor ka noqoto gumaysiga Kuukuyo. Ma lihi maamulkii Siyaad Barre wuxuu ahaa shariif ka maran ceeb ama xadgudub binu aadannimo, balse wuxuu dhaamay kun jeer horjoogeyaasha waqtigan mustaqbalka tiray boqolaalka dhallin

Maroodigu Takarta saran ma arkee; ka kale Takarta saran buu arkaa

Image
Horjooge Deni iyo maamulka beeshiisu uma oggola dadka deegaanka Puntland xorriyad, bannaanbax, demqoraadiyad iyo nololba... taas beddelkeeda waxay ka shaqeeyan isku dirka, dagaallada ehelka, sicir bararka, boobka hantida dadweynaha iyo weliba qabyaalad qaawan. Ninka sidaas ah ayaa doonaya inuu naga dhaadhaciyo Farmaajo ayaa keligii taliye xukun boob ah. Waa run oo lama inkiraayo inuusan Farmaajo qaban doorashadii lagu balllansana, balse weyddiintu waa ma lagala shaqeeyey inuu hawsha qabto? Sow maamul qabiileedka Puntland maaha midka mar kasta hor taagna horusocodka dowladda iyo horumarinta dalka? Sow Puntland maaha kuwii mar kasta lahaa nagalama tashan iyo socon mayso haddii aan sidaan rabno la yeellin? Sow Puntland maaha kuwa shisheeyaha farogelinta ku haya Soomaaliya soo dhoweysanayay?. Markuu ka xirmay dariiqi Addis Ababa iyo Amxaarkii loo tegi jiray, Imaarat iyo Kenyaati kuwa dabbada kula jiraa sow Puntland maaha?. Jaalle Siyaad oo ka awood iyo xukun adka Farmaajo ayaa xoog ku maa

Reer aan ogahay ma guuro!

Image
Soomaalidu waxay tiraahda geed walba dhecaankiisu dhalaa, horjooge Siciid Deni iyo shisheeye u addeegistiisu shalay maaha mid billaabatay,

Billowgii Muddo Kororsiga Farmaajo

Image
Soomaalidu waxay tiraahda labadii xaaraanta ku heshiisa xalaashay ku dirirta. Farmaajo, Axmed Madoobe iyo horjooge Deni waxay ku heshiiyeen

Biseyl siyaasadeed baa ii muuqda!

Image
Dad waxaa ugu liita ninka geedkuu beeray ee uu midhaha ka sugayay ujeeddo la'aan gunta ka jara. Madaxweynihii hore ee soomaaliya iyo madaxweynayaasha  maamullada iyo madax doonayaashaba waxa aan ku boggaadinayaa in ay weli diyaar u yihiin wada hadal iyo wax isla meel dhig.

Fa’iidoyinka ‘’Miro guduud’’ Strawberry

Image
Wax ka ogow waxtarka iyo faa'iidada geedka miro guduud ama strawberry oo qaarkood aan halkaan idiinku soo gudbin Xaquuqda Sawirka © red150770/stock.adobe.com 1. Wuxu ka hor'taga kansarka 2. Wuxu u fiican yahay dadka sonkorta qaba 3. Wuxu dejiyaa dhiig-karka 4. Wuxu u wanaagsan yahay indhaha 5. Wuxu u fiican yahay kaadi heysta iyo keliya 6. Wuxu u wanaagsan yahay fuuq baxa ama shubanka 7. Wuxu ka qeyb ka qaata dhalalka ilkaha 8. Wuxu u wanaagsan yahay hab dhiska ilmo galeenka 10. Wuxuu qurxiya maqaarka jirka 11. Wuxu u yareeya xanuunka caado wareerka 12. Wuxu saacida dheef shiidka 13. Wuxu dhisa unugyada dhiiga cad & cas. Yusuf Ali Adam Yusufaliadam@hotmail.com 

Xalane Maxaa Ka Socda?.

Image
Marka aad maqasho xerada Xalane waxaa kugu soo dhacaya halyeeygii Soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xalane oo isaga loo magac darray xeradan isu beddeshay dowladda ku dhex-taalla caasimadda ummadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Bedelka Khayre ma wuxuu noqon doonna adeege cusub, mise quusiyaha damaca waalan ee Farmaajo?

Image
Soomaalidu waxay tiraahda "labadii xaaraan ku heshiisay; xaqna kuma heshiiyaan", ugu dambeyn Xasan Cali Khayre wuxuu ku baxay fudeedkii Farmaajo lagu yiqiin. Saacado yar kadib markii xilka laga qaaday ra'iisal wasaarahii hore Xasan Cali Khayre,

Doorasho Waxaa Ka Horreeya Diyaargarow.

Image
Distuurka Soomaaliya qodobkiisa 47aad wuxuu qeexaya in shuruucda doorashada u golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya go’aan ka soo saarayo, balse labada jilaa ee Villa Soomaaliya

Cabdi Xaashi Iyo Xadgudubka Dastuurka

Image
Guddoomiyaha aqalka sare ayaa maanta waraaq u soo saaray waxba kama jiraan ku tilmaamay sharci dhowaan u ansixiyay gollaha baarlamaanka ee Soomaaliya.... haddaba waxaa isweyddiin mudan qoddobada u guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi u cuskaday diidmada matelaada gobolka Banaadir..... ma yihiin kuwa sharci uu u maray mise jeebkiisu kala soo baxay?.