Posts

Argagaxisadii isu beddeshay fallaagada

Image
Kooxda Taalibaan oo warbaahinta iyo dalalka caalamka sida Maraykanka iyo reer galbeedku u aqoonsanayeen koox argagaxiso ayaa hadda isu beddeshay koox fallaago, iyadoo la sugaayo in lagu wareejiyo awoodda Afqaanistaan.  Taalibaan miyaa is beddelay?. Maya, weli dhaqankoodu waa sidii hore ama ka adag, waxay dilayaan, qarxinayaan muwaadiniinta, aqoonyahanka, waxay ka soo horjeedan in gabdhuhu dugsi dhigtaan, xorriyada hadalkuna waa dhibaysa.  Wixii loo weeraray shalay iyagu kama tanaasulin, balse kuwii weerarka ku qaaday ayaa tanaasulay sida muuqata. Ciidankii Afqaanistaan ee 20-sanno la tababaraayay, qalabka iyo hubka casriga ah loo dhiibay, waxay isu dhiibeen nimman duur ku jiray 20 sanno. Maxaan ka baran karnaa haddaba Taalibaan?. Ma mowqifka iyo mayal adayga, mise in ciidanka Soomaaliyeed dalkiisa ka difaaci karin Alshabaab haddii dhammaadka sannadkan Amisom isaga baxdo dalka?. Ma arki doonna argagaxisada Alshabaab oo loogu wacaayo jabhad fallaago, xukunkana loogu wareejin sida kooxda

Amisom Oo Bombo Ku Xirtay Dad Soomaaliyeed

Waa ficil cadowtinimo oo ka baxsan binu aadantinimada waxaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka Amisom ayaa dad Soomaaliyeed oo beeraleey ah bombo ku xira;  kadibna qarxiyay iyagoo uga aargoosan Alshabaab oo jidka u gashay.  Toddoba beeraleey Soomaaliyeed ayaa ciidanka Amisom bom ku xireen kadibna sidii argagaxisada Alshabaab u qarxiyeen. Waan cambaarayn falkaasi wuxuushnimada ah, waana inaan meel uga soo wada jeensana ficillada foosha xun. Amisom waxaa loo keenay badbaadinta dadka Soomaalida ee looma keenin xasuuqa, ka aarsiga iyo gubitaanka dadkeenna. Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiya tallaabo sharci ah inay ka qaado kuwa jarriimada geystay, muwaadiniinta Soomaaliduna ay helaan caddaalad. <iframe width="400" height="500" frameborder="0" src="https://www.bbc.com/somali/av-embeds/war-58163501"></iframe>

Gabooye/Midgaan/Boon Ma guurbaa ka maqan mise caddaalad?

Image
Ninna ma odhan khasab ha lagu guursado wiilasha ama gabdhaha Gabooye, Boon, Jareer I.w.m. balse haddii gabadh laga soo doontay ama wiil iyo gabar is-calmaday aad khasab ku kala kaxaysid adigoo fiirin qabiilka wiilka ama gabadha sow taasi dembi maaha?, Soomaalidu intooda badan waa dad isu guursada xigaalo iyo qaraabo i.w.m. qaba'iilka aad hayb-sooca ku samayseena dabcan maaha kuwa guur idiinka tuugsan ee waxay idiin weydiisan oo keliya markii la idiin baahdo inaan dembi laga dhigin guurkooda. Sidoo kale waxay idiinka doonayaan waa inaad u oggolataan xaqqooda saamiga awoodda madama ay yihiin sida aan annigu aaminsan ahay dadka Soomaalida ugu tiro badan, iyo inaad shaqooyinkooda iyo hibooyinka Eebbe siiyay ku ixtiraamtaan. Dalalka Galbeedka ee aan ku nool nahay shaqooyinka dadkaasi carruurtooda yaryari aqoonta u leedahay iska dhaaf waayeelkoode jaamacaddo iyo iskuulo farsamo gacmeed ayaa loo raadsada. Innaguna halkii aan ka faa'iideysan lahayn ayaan ceeb uga dhigayna, ku aflagaada

Intuu qabtay Siyaad Barre ayaa ka badan intuu bi'iyey.

Image
Maaha wax la dafiri karo waxqabadkii maamulkii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, laga soo billaabo dhismaha dalka, qoritaanka afka soomaaliga iyo weliba inaan ahayn dal dadkiisu uusan meel kasta ku dayacnayn. Dalku wuxuu lahaa dowlad baasaboorkeeda la aqoonsan yahay, waxbarasho illaa heer jaamacaddeed oo lacag la'aana, cusbitaalo bilaash ah, ciidan ilaaliya xuduuddaheena badda, cirka iyo dhulka oo aan ahayn mooryaan umulo dooxa. Muwaadinka Soomaaligu wuxuu ahaa mid sharaf leh, dunidana qaxooti kuma ahayn meel kasta; hooyo iyo ilmo Soomaaliyeed kuma dhibaataysneyn qurbe, baddaha dhallinyaro Soomaaliyeed iyagoo gaajo ka cararaya uguma geeriyooneyn. Sidoo kale Kenyaati damac ugama jirin badda Soomaaliya taas beddelkeeda NFD ayaa Soomaali raadinaysay inay xor ka noqoto gumaysiga Kuukuyo. Ma lihi maamulkii Siyaad Barre wuxuu ahaa shariif ka maran ceeb ama xadgudub binu aadannimo, balse wuxuu dhaamay kun jeer horjoogeyaasha waqtigan mustaqbalka tiray boqolaalka dhallin

Warsangeli/Dubeys iyo Raxanweyn argagaxisada Puntland?!.

Image
Labadan qabiil waxay ka siman yihiin in loogu xadgudbay sharaftooda, maalkooda iyo dhiiggooda deegaannada Puntland.  Warsangeli/Dubeys waa reerka deegaanka labada albaab ee magaalada buuraha dhexdoodda ku taalla ee Boosaaso Ceelaayo iyo Laag labadaba waxaa deegaan u yihiim tolka Dubeys ee Warsangeli. Raxanweyn intooda badan waxay magaalada Boosaaso yimaadeen kadib burburkii dalka Soomaaliya, waa xoogsato sharaf leh, dad shaqo oo aad u yaqaan sida shillinka god kasta looga soo saaro. Puntland guud ahaan gaar ahaan Boosaaso waxay kala kulmaan faquuq iyo sinji cay. Labada reer, midna waxaa lagu bartilmaameedsan ganacsigooda iyo horumarka ay sameeyeen iyagoo deegaankoodii ka dheer, halka mida kalena u ku socdo barakicin dhulleed; iyadoo loo dig iyo dam leeyahay khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta ka buuxdo dhulkooda. Argagaxiso ayaa laga baadi-goobaya beeraleey, bakhaarleey iyo bagaashleey, iyadoo aan loo tegi karin kooxaha Daacish iyo Alshabaab ee saldhigyada ku leh deegaanna

Ijaabo Yusuf Dhegool xaaska horjooge Siciid Deni oo la wareegtay dhulkii wasaaradda hawlaha guud ee Boosaaso

Image
Horjooge Siciid Deni oo deegaannada Puntland looga aqoon ogyahay Jeerta Ooman ayaa ku wareejiyay xaaskiisa Ijaabo Yusuf Dhegool mulkiyada dhulkii wasaaraddii hawlaha guud ee magaalada Boosaaso, maaha markii ugu horreeysay ee qoyska Deni Jeerta ooman la wareegan hanti dadweyne. Asbuucii hore ayay ahayd markii faraca Qardhood ee wakaaladda xooga korontada u la wareegay walaalka Ijaabo Dhegool oo lagu magcaabo Maxamed Yuusuf Dhegool. Xigasho- www.sirqarsoon.com  Sirqarsoon@gmail.com

Jeerta Ooman Oo Cagta Saaray Dhabihii Afwaliinjo

Image
  Qandaraaskii shisheeyaha 'shillinka uga cuni jiray Afwaliinjo mid la mid ah ayuu horjooge Deni Jeerta Ooman; quud ka raadiyay isagoo ka billaabay tuulada Xamur oo Boosaaso u jirta qiyaastii 40KM. Saaka hiirtii waaberi maleeshiyaad la heyb ah horjooge Deni ayaa weerar ku qaaday beeraleey aan waxba galabsan kuwaas oo laga dhigay qaar la dilo, in la xiro iyadoo hantidoodiina la burburiyay. Afwaliinjo ayaa hore sidaan oo kale u gubay beerahii timirta ee Galgala, isagoo barakiciyay dadkii ku noola deegaankaasi.  Jeerta Ooman ayaa xirtay kabihii Afwaliinjo ee barakicinta, burburinta iyo laynta beesha galbeedka magaalada Boosaaso. Wuxuuna ka billaabay Xamur oo ah dhul beeraad ay deegaan u ah beesha dhuunta Boosaaso deegaankeedu yahay. Deni ayaa doonaya inuu deegaanka Xamur u burburiyo sidii Galgala, waxaana u durba billaabay inay maleeshiyaadkiisu dab qabadsiiyan beerahii timirta, sidoo kale gubaan dhirtii, halka ay gowraceen qaar ka mid ah beeraleeydii tuulada Xamur.  Waxaad mooda Jeer